shaqala’aan
Haddii ay shaqo la’aani kugu dhacdo, dhakhso isaga diiwaangeli xafiiska shaqada inaad shaqo raadis tahay.
Marka ay waxbarashadu kuu dhamaato, aanad shaqana heysanin, markaasna iska diiwaangeli xafiiska shaqada. Waxaad ka buuxin kartaa Adigu foomkaaga shaqo raadinta halkan waxaadna geyneysaa xafiiska shaqada ee Hämeenlinna, kaas oo warbixintiisa aad ka heleysid.
Isku diiwaangeli shaqo doone ahaan (myintegration.fi)
Haddii aad xubin ka tahay qasnada shaqo la’aanta, waxaad heli kartaa lacag maalinle oo u dhiganta tii shaqada kugu soo galeysey. Lacagtaa cadadkeeda waxaa saameyn ku leh, imisa ayaad qaadaneysey shaqo la’aanta ka hor. Wixii dheeraad ah ka akhriso: Ururada shaqaalah (myintegration.fi)
Haddii aanad xubin ka aheyn aqasnada shaqo la’aanta, waxaad heli kartaa lacagta shaqo la’aanta ee keladu bixiso.
Waxaa keliya oo kaalmadda shaqo la’aanta lagu siinayaa hadii aad si firfircoon u raadsaneysid shaqo oo keliya. Kaalmadda shaqo la’aanta ujeedadeedu waa in la hubiyo in aad ku noolaatid inta aad shaqada heleyso oo keliya.