Biilasha bixintooda
Biilasha waxaad ku bixin kartaa qaabab badan oo kala duduwan, tusaale internetka oo aad kaga bixisid aqoonsigg ashabakada bangiggaga, foomka ku wareejinta biilka ama kaash ahaan.
SIDEEN U SOO FURAN KARAA AKOUNT BANGI?
Waxaad heli kartaa koonto bangi oo keliya haddii aad haysato Baasaboor, kaarka aqoonsiga ajnabiga ama kaar kale oo aqoonsi rasmi ah. Bangigu wuxuu leeyahay xeerar u gaar ah nooca aqoonsiga uu aqbalaayo. haddii bangigu uusan aqbalin aqoonsiga aad wadadid, ma heli doontid inaad hesho koonto bangi. Markaas waxaad ku bixineysaa biilasha lacag cadaan ah (ama cash ahaan).
Finland iy Hämeenlinna ba waxaa ku yaala bangiyo dhowr ah, oo aad akount ka furan kartid.
SIDEED U SOO QAADAN KARTAA AQOONSIGA SHABAKADA BANGIGGA LAGU GALO (VERKKOPANKKITUNNUS)?
Shabakada bangigu Finland waa qaabka ugu jaban ee aad biil kaga bixin kartid akountkaaga.
Waxaad ka heli karkaa aqoonsiga lagu galo shabaka bangiga iyadoo uu bangigu u cadeyn karo si aamin ah shakhiga aad tahay oo kaliya. Sababtaas awgeed ayaad ugu khasban tahay inaad sugto muddo dheer verkkopankkitunnus ka, laga yaabee ilaa sanad inaad sugto. Adigu waxba kama sameyn kartid arrintaa, si aad ugu hesho aqoonsigaa si dhakhso ah.
SIDEED U HOWLGALEYSAA, HADDII AANAD HEYSANIN WAXAAD BIILKA KU BIXISID?
Haddii aanad heysanin lacag aad ku bixisid biilasha, wac shirkada biilka iska leh adeegeeda macaamiisha. Kana codso inaad biilka hadow bixin kartid, markaad lacag heshid. Kula heshii shirkadda maalinta aad bixin kareysid biilka.
Haddii aanad arrintaa kala heshiinin shirkadaa, biilku wuxuu u wareegayaa xafiiska kala soo noqoshada lacagaha. Xafiiska kala soo noqoshaduna wuxuu ku saarayaa lacag adeegooda ah. Waxayna noqon kartaa tobonaan euro.
CALAAMADDA BIXIN WEYNTA DEYNTA
Kilpailu- ja kuluttajavirasto: Macluumaadka calaamadda wax bixin la’aanta
Xigasho: Info Finland
KA QAADISTA DEYNTA
Haddii aadan biilka ku bixin maalinta ugu dambeysa waxaa laguu soo dirayaa biil xusuusin ah. Hal ama labo xusuusin kaddibna biilku wuxuu u wareegi karaa xafiiska deyn ka qaadista. Xafiiska deyn ka qaadistu wuxuu kuu soo dirayaa dalabka bixinta. Haddii aadan biilka horay ka bixin karin, la xiriir xafiiska deyn ka qaadista kaddibna kala heshii qorshe aad biilka ku bixinayso.
Haddii aadan biilka bixin ama aadan gelin qorshe aad ku bixineyso, deyntu waxey u gudbi kartaa ugu dambeyn la wareegista (ulosotto). La wareegis waxaa loola jeedaa in dowladdu ay xaq u leedahay in ay qeyb ka qaadato dakhliga ku soo gala si deynta loo bixiyo. Hay’adda la wareegistu xittaa waxey iibin kartaa hantidaada qiimaha leh si deynta loo bixiyo.
Inta badan la wareegistu waxey u baahan tahay go’aan maxkamadeed. Si kastaba ha ahaatee bixinta lacagaha qaarkood waxey toos u aadaan la wareegista. Lacagahaas waxaana ka mid ah tusaale ahaan canshuuraha, lacagaha xarunta cafimaadka iyo lacagaha xannaano-maalmeedka.
Xigasho: Info Finland
WAXAA WANAAGSAN INAAD XASUUSATO
Haddii aad dalbaneysid kaalmada nolosha, waxaad u baahan yahay cadeymo inaad bixisey biilkaa. Haddii aad ka bixisey verkkopankigaga ama aad foomka wareejinta ku bixisey biilkaasi wuxuu ka muuqanayaa cadeyntaada bangigga. Haddii aad biilka ku bixisey kaash ahaan, ka codso risiida. Gudbi risiidka aad ku bixisey iyo biilkaba iyagoo ku lifaaqan codsiga kaalmadda nolosha.
Talo iyo hagitaan
Waxaad talo iyo hagitaan ka heli kartaa soo dhaweynta xarunta qaxootiga ama xarunta macluumaadka ee Kastelli ee Hämeenlinna.
Waxaad sidoo kale weydiin kartaa adeegyada bulshada ee magaalada Hämeenlinna.
Lähde: Takuusäätiö