Isku qiimo ahaanshaha
Isku qiimo ahaanshaha
Sida waafaqsan dastuurka Finland waa in si sinnaan ah loo tixgeliyaa. Takoorku waa denbi.
Bogga InfoFinlandi Takooridda iyo midabtakoorka.
Xuquuqda dadka sekshuwaal ahaan laga tirada badan yahay iyo jinsi ahaan kuwa laga tirada badan yahay
Siduu sharciga Finland dhigayo qofna laguma takoori karo jiheyntiisa galmo awgeed. Sharciga ayaa sidoo kale mamnuucaya takoorista muujinta waxyaabaha galmada xiriir iyo aqoonsigooda jinsi dartood.
Finland waxaa laga codsan karaa megengelyo haddii meel kale lagula kulmo raacdeysasho jiheynta galmada ama muujinta jinsiga dartiis. Helista megengelyadu ma ahan wax iska cad ee waxaa si gaar ah loo baarayaa codsade kasta codsigiisa. Baaritaanka waxaa sida ugu macquulsan loogu cadeynayaa xaaladda codsadaha iyo wadanki uu ka soo tegay.
Finland waxaa ka jira dhowr urur oo sekshuwaal iyo jinsi ahaan dadka laga tirada badan yahay u dooda. Waxay isku dayaan inay hagaajiyaan derajada ay dadkan laga tirada badan yahay ku leeyihiin bulshada dhexeeda. Ururo badan waxay sidoo kale fidiyaan tababaro, talobixino iyo adeegyo kaalmo oo kala duduwan.
Dadka sinji-guuray, nimoow-naagyada, labeebyada iyo dadka kale ee jinsi ahaan laga tiro badan tahay waxay caawimaad ka heli karaan wakiilka isku qiimo ahaanshaha, haddii ay dareemaan takooris.
Sidoo kale dalka Finland dhexdiisa labo nin ama labo dumar ah way is guursan karaan.
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha guurka halkan ayaad ka heleysaa
Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha dadka isku jinsiga ah qoysnimadooda halkan ayaad ka heleysa
Xuquuqda carruurta
Finland cunuggu wuxuu xaq u leeyahay xannaano iyo daryeel gaar ah. Cunuggu waxaa kale oo uu xaq u leeyahay in uu soo bandhigo fikirkiisa. Cunuggu wuxuu xaq u leeyahay in fikirkiisa ogaal loo yeesho marka arrimo isaga quseeya go’aan laga gaarayo. Sida sharciga Finland uu qabo edbinta jireed ee carruurtu waa mamnuuc waxaana laga heli karaa ciqaab.
Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqda carruurta halkan ayaad ka heleysaa
Xuquuqda naafada
Sida sharcigu qabo, qofka naafada ah lama takoori karo. Qofka naafada ah wuxuu xaq u leeyahay nolol caadi ah in uu ku noolaado, tusaale ahaan in uu waxbarto, shaqo sameeyo qoysna aasaasto. Sida uu qabo sharciga sinnaantu shaqo-bixiyayaasha iyo qabanqaabiyayaasha waxbarashadu waa inay hagaajiyaan fursadaha dadka naafada ah si ay shaqo iyo waxbarasho u helaan. Tusaale ahaan bii’ada shaqada waxaa loo bedeli karaa qaab ay qofka naafada ah ugu sahlanaato in uu ku dhaqdhaqaaqo.
Warbixinaha ku saabsan adeegyada shaqsiyaadka naafada ah halkan ayaad ka heleysaa
Xigasho: InfoFinland