Hab-dhaqanka finnishka
Boggan waxaa ku jira macluumaad guud oo ku saabsan tababka Finnishka. Macluumaadka dhaqanka shaqo ee Finnishka waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Dhaqanka ganacsi ee Finnishka iyo halkan
Qayimyada Finnishka
Sinnaanta iyo caddaaladdu waa qayimyo Finnishka muhiim u ah. Bulshada Finnishka dhexdeeda dadka oo dhan waa siman yihiin waana in dhammaan si cadaalad ah loola macaamilaa. Macluumaadka sinnaanta iyo mid ahaanshaha waxaad ka heleysaa: Wakiilka sinnaanta bulshada | Ombudsman for Equality (tasa-arvo.fi)
Sinnaanta
Sida uu sharciga Finland qabo dumarka iyo ragu waa siman yihiin. In dumarku ay shaqeeyaan Finland waa wax ka caadi ah, xittaa marka ay carruur heystaan. Ninka iyo naagta labadooduba waxey mas’uul ka wada yihiin daryeelista carruurta iyo guriga.
Aaminaadda
Waa wax caam ah in Finnishku ay aaminaan dadka kale iyo saraakiisha dowladdaba. Waxaa sidoo kale Finland laga tixgeliyaa dimuquraadiyadda iyo xorriyadda hadalka. Qof kasta wuxu xaq u leeyahay ka qeyqaadashada hawlaha bulshada. Xorriyadda hadalka ayaa sidoo kale ka jirta Finland.
Shaqsinimo
Dhaqanka Finland shaqsinimadu waxey uga muuqataa si ka badan dhaqamo kale oo badan. Xorriyadda shaqsi ahaan waxey aad uga muuqataa sharciga degsan ee Finland.
Goob u gaar
Finnishku waxaa kale oo ay qadariyaan gaar ahaanshaha iyo boog u gaar ah. Tusaale ahaan waxaa dhallinyarada qaangaarka ah lagu dhiirigeliyaa in ay xoroobaan oo ay guri u gaar ah u guuraan.
Daacadnimada iyo waqti ku imaanshaha
Daacadnimada ayaa Finland laga tixgeliyaa. Waa muhiim in ballanta la oofiyo runtana lagu hadlo. Waqtiga ku imaanshuhuna wuxuu sidoo kale muhiim u yahay Finnishka. Marka aad kulan leedahay, imow goobta waqtiga lagu ballamay. Haddii aad tusaale ahaan ballan ka qabsaday sarkaa lama dhaqtar, waxaa muhiimad gaar ah in aad soo dhaqsato. Tusaale ahaan, haddii aad ballan qabsatay 12ka, imow meesha wax yar ka hor 12ka. Haddii aad timaado 12ka iyo 10 daqiiqo waad soo daahday.
Isqaad-qaad la’aan
Finnish badan waxey qiimeeyaan isqaadqaadis la’aanta. Dadku kooxda iskama soo dhexmuujiyaan; cod weyn kuma hadlaan ama isma amaanaan. Hab-dhaqanka wanaagsan ayaa looga arkaa Finland in dadka loo dhug lahaadlo lana dhegeyso. Waxaa kale wax badan la qiimeeyaa shaqeynta iyo hawlkarnimada.
Bay’ada
Bay’adu waa arrin aad muhiim ugu ah Finnishka. Dad badan oo Finnish ah waxey ka helaan bay’ada, tusaale ahaana socod ayeey u aadaan ama waxey ka gurtaan miraha. Xuquuqda qof kasta (jokamiehenoikeus) ayaa Finland looga hoggaansamaa. Sida ay qabaan, qof kasta dadku waxey si xor ah ugu dhaqdhaqaaqi karaan bay’ada, dadka oo dhanna uma baahna in ay ruqsad weydiistaan milkiilaha dhulka. Faahfaahinta dheeraadka ah ee xuquuqda qof walba ka sii aqri bogga InfoFinlandi Ku raaxeysiga iyo ku socodka dabeecadda.