Cimilada finland
Cimilada Finland way ka qabowdahay wadamo badan oo kale. Sidaas oo ay tahay cimilada isbadbadal badan ayaa ku yimaada sanadka wakhtiyadiisa kala duwan.
Jiilaalka
Wakhtiga jiilaalka Finland waa qabow waxana da’a baraf. Sida caadiga ah barafku dhulka ayuu yaalaa jiilaalka oo dhan. Waxay u badantahay wakhtiga jiilaalka inay cabirka qabowgu ka hoosayso eber oo ah cabirka selsiuska. Cimilada qabowgeedu wuxuu maalintii gaadhi karaa tusaale ahaan -10 cabirka selsiuska ah marmarka qaarkoodna waxa uu gaadhi karaa ilaa -20 cabirka selsiuska ah. Waqooyiga Finland cabirka selsiusku wuxuu gaadhi karaa illaa -30. Haddii dhulka ay mar wada yaallaan baraf iyo barafka dhalada noqda, dhulku waa sibiibix ama taraarax.
Wakhtiga jiilaalka waxa muhiimad gaar ah leh in uu qofku si dugsoon u labisto. Taasi macnaheedu waxa weeyaan in uu qofku ugu yaraan xidho jaakeed ama koodh sare oo culus, funaanad culus, koofiyad, gacmo ama gloofis, maro uu qoorta ku duuduubto iyo in uu xidho kabo jiilaal oo culus. Wakhtiga cimiladu ay qabowdahay waxa muhiim ah in uu dhar badan iska dul xidho qofku.
Jiilaalka Finland waa wakhti aad u mugdi badan, sababta oo ah qoraxdu waxay soo baxdaa barqadii waxayna dhacdaa galabta horeba. Waqooyiga Finland ayaa ka mugdi badan koonfurta Finland. Finland qaybaheeda waqooyiga sare ah waxa yimaadda wakhti aynan qoraxdu sooba bixin muddo isbuucyo ah.
Bilaha wintarku waxay kala yihiin bisha 12aad, bisha 1aad iyo bisha 2aad. Bisha 11aad iyo bisha 3aadna way noqon karaan bilo qabow badan leh barafna uu da’o. Caadiyen barafku waxa uu dhalaalaa bisha saddexaad ama bisha afraad.
Guga
Gugu waxa uu koonfurta Finland bilowdaa dhamaadka bisha sadexaad, waqooyiga Finlandna waxa uu ku bilowdaa dhamaadka bisha afraad. Caadiyen wakhtigaas cimiladu way qabowdahay wali, laakiin way ka diirantahay wakhtiga jiilaalka. Wakhtiga guga dhirta iyo cimilada isbadal badan ayaa ku dhaca marka uu barafku dhalaalo, geeduhu ay caleemaha dib u soo baxsadaan dhirtuna ay dib u soo baxdo.
Xagaaga
Koonfurta Finland wakhtigaas hawada kulaylkeedu waxay gaadhaa illaa 20 selsius waqooyiga Finlandna waxay gaadhaa illaa 15 selsius. Bilaha samarka Finland waxay yihiin bisha 6aad, bisha 7aad iyo bisha 8aad. Bisha ugu kulul waa bisha 7aad oo ay hawada kulaylkeedu ka kormartaa 20 selsius.
Jiilaalka iftiinka ayaa aad ugu badan Finland. Habeenkii iyo maalintiiba waa iftiin badan maadaama ay qoraxdu dhacdo wakhti dambe ayna soo baxdo wakhti hore. Waqooyiga Finland ayaa ka iftiin badan koonfurta Finland. Bisha ugu iftiinka badan waa bisha 6aad. Markaas waxaa Finland laga xusaa Yuhanuska, habeenka aysan qoraxdu dhicin iyo bartamaha xagaaga. Finland qaybaheeda ugu sareeya ee waqooyiga qoracdu bilowga xagaaga maba dhacdo.
Dayrta
Wakhtiga dayrtu sida caadiga ah waxa uu bilowdaa dhamaadka bisha 8aad ama bilowga bisha 9aad. Cimiladu badanaa way qabowdahay roobab iyo dabayllo badana way wadataa. Wakhtigaas mugdiduna wuu soo bataa maadaama ay qoraxdu dhacdo wakhti ka horeysa wakhtiga ay dhici jirtay jiilaalka. baraxka ugu horreeya waxa uu sida caadiga ah da’aa bisha Oktoobar ama Nofembar.
Xigasho: InfoFinland