Kusoo dhowow Hämeenlinna!
Hämeenlinna waa magaalo qiyaastii 68 000 oo qof ay degganyihiin oo nolol fiican oo deggan leh. Markaad tahay qof reer Hämeenlinna ah oo cusub tartiibtaada ayaad wakhti ugu qaadan kartaa inaad magaaladeena barato. Hämeenlinna waxaay ka mid tahay magaalooyinka Finland ugu deggan.
Waxaan u haynaa adeegyo fiican dadka magaalada deggan. Markaad magaaladan joogto si fudud ayaad u raaci kartaa bas, tareen ama baaskiilba. Hämeenlinna sidoo kale waxaay leedahay dugsiyo tayo fiican leh oo carruurta iyo dhallinyarta loogu talo galay, iyo goobo shaqo oo aad u kala duduwan iyo fursado waxbarasho. Adeegyada sooshalka iyo caafimaadku way kuu dhowyihiin waxaana sidoo kale ku yaalla magaaladeena isbitaal xarun ah.
Boggayaga www.myintegration.fi ayaad ka heli kartaa waxyaabo kaa caawiya noloshaada maalinlaha ah, sidoo kalena saldhiga basaska goobta adeegga ah ee u dhow Kastelli iyo laybareeriyada ay ku dhex yaallaan goobaha adeegga ee magaaladuna caawimaad waad ka heli kartaa. Waxaan adiga iyo qoyskaagaba idiin rajeynayaa inaad nolol wanaagsan ku qaadataan Hämeenlinna!
Duqa magaalada
Olli-Poika Parviainen
Ku soo dhawoow deggenaanshaha degmada
Guriga
Guryaha kirada ah waxaa bixiya magaalada iyo shirkadaha. hameenlinna.fi/vuokra-asunnot | Xageed ka heleysaa guri? (myintegration.fi)
- Waxaad sameysaa heshiis kiro oo qoraal ah.
- Waxaad bixisaa deebaajiga kirada oo badanaa u dhigma qiimaha kirada oo 1-3 bilood ah.
- Guuritaanka iyo baddalaadda cinwaanka ee laga sameeyo xafiiska diwaanka dadweynaha. Digi- ja väestötietovirasto www.dvv.fi/muutto
- Heshiiska kirada waxaad la sameysaa shirkad koronto oo gaar loo leeyahay.
- Samayso caymiska guriga.
- Haddii dakhligaagu uu yaryahay waxaad Kela-da ka heli kartaa taakuleynta kirada. www.kela.fi/asumistuki
infofinland.fi/fi/housing/rental-home
Xafiiska diwaanka dadweynaha (Digi- ja väestötietovirasto)
Waxaa xafiiska laguugu sameynayaa lambar aqoonsi waxaana laguu qorayaa cinwaan. Waxaad u baahantahay lambarkaaga aqoonsiga markaad ka adeeganyso shaqaale dowladeed, markaad akawn bangi ad furanayso ama ad sameysanayso layn taleefan. Waxaad ka dalbataa deggenaanshaha degmada Kotikunta | Digi- ja väestötietovirasto (dvv.fi)
Xafiiska diwaanka dadweynaha (Digi- ja väestötietovirasto( (taleefan 0295 536 320, Wähäjärvenkatu 6, international@dvv.fi)
Bangi
Marka lagaa diwaangaliyo nidaamka diwaanka dadwaynaha ee ad haysato caddeynta aqoonsiga (kaarka aqoonsiga ama baasaboor), waxaad tagi kartaa bangiga waxaanad ka soo furan kartaa akawnka bangiga waxaanad heli kartaa macluumaadka bangiga internetka.
Bangiga internetka waxaad ku bixin kartaa biilaasha waxaanad kala socon kartaa macluumaadka akawnkaaga. Macluumaadka akawnka waxaad ku gali kartaa adeegyada elegtrooniga ah. Biilasha bixintooda (myintegration.fi)
Xafiiska masruufka dadwaynaha – Kela
Markaad hesho degmo, xaq uma yeelanaysid lacagta taakuleynta qaabilaadda. Waxaad Xafiiska masruufka dadwaynaha (Kela) ka dalban kartaa taakuleymaha sida lacagta carruurta iyo taakuleynta kirada. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa Kela-da taakuleynta nolosha haddii ad baahi u qabto taakuleyn dhaqaale.
Kela (taleefanka 020 634 0200, Rauhankatu 1, www.kela.fi)
Shaqada iyo waxbarashada
Xafiiska shaqada ee Hämee wuxuu furanyahay isniin-jimce saacadda 9-16 (taleefan 0295 025 500, Vanainkatu 1)
Warqadaha waxaad ku reebi kartaa sanduuqa boostada ee goobta ama iyadoo ammaanka macluumaadka ad ilaalinayso ayaad ku soo diri kartaa iimayl ahaan cinwaanka: turvaviesti.te-toimisto.f
Hämeenlinna – TE-palvelut | Ilmoittautuminen työnhakijaksi – Työnhaku – Työmarkkinatori (tyomarkkinatori.fi)
Adeegyada sooshalka iyo caafimaadka
Xarumaha caafimaadku waxaay furanyihiin saacadda 8-16 maalmaha shaqada waxaana lagu qaabilayaa markaad ballan soo qabsato. U soo dir xarunta caafimaadka farriin ad ugu sheegayso afkaaga hooyo. Kiireetön hoitajan tai lääkärin vastaanotto – OmaHäme (omahame.fi)
Heeganka isbitaala xarunta u ah Kanta-Häme (taleefan: 116117, Ahvenistontie 20) Gargaarka koowaad ee Hämeenlinna (myintegration.fi)
Lambarka taleefanka ee gurmadka degdegga ah 112. Xaaladda halista ah (myintegration.fi)
Goobta la talinta adeegyada sooshalku waxaay ka jirtaa Kela-da (taleefan lambarku waa 03 621 3303, Rauhankatu 1).
Barbaarin-horaadka iyo dugsiga hoose-dhexe
Carruurtu waxaay waxbarasho-horaadka tagayaan iyagoo 6 jir ah dugsigana waxaay bilaabayaan markay 7 sano jiraan. Markaad ilmahaaga u dalbayso booska dugsiga ee ugu horreeya waxaad codsigaaga ku hagaajisaa fasalka diyaarinta ah. Waxaad si elegtroonig ah uga dalbataa bogga Waxbarashadda diyaarinta, luuqadda 2aad ee Af-fiinishka iyo Diinta (myintegration.fi) ama waxaad codsiga ka buuxbuuxisaa goobta adeegga ee Kastelli (Wetterhoffinkatu 2, wuxuu furanyahay maalmaha shaqada saacadda 9-16).
Haddii ilmahaaga da’diisu ka hooseyso 6 sano jir uu u baahanayahay boos xanaano, waxaad codsiga si elegtroonig ah uga buuxbuuxsan kartaa hameenlinna.fi/ varhaiskasvatushaku ama goobta adeegga ee Kastelli.
Wakhtiga firaaqada
Hämeenlinna waa magaalo fursado badan leh oo aad hiwaayado kala duwan ku yeelan karto oo kala ah hiddaha iyo dhaqanka iyo jimicsiba. Goobta Kumppanuustalo la dhaho waa xarun u furan dadka oo dhan oo waxqabadyo muwaadinimo bixisa oo ay ka mid yihiin koorsooyinka af finnishka iyo waxqabadyo kale oo kala duwan. Xarunta dhaqamada ARX waxaa ka jira waxqabad carruurta iyo qoysaska ku socda. Maktabyo ayaa meelo kala duwan kaga yaalla magaalada Hämeenlinna waxaanad isticmaali kartaa iyagoo lacag la’aan kuu ah.
Xilliyada-fasaxa ah ee Hämeenlinna (myintegration.fi)
Warbixinta soo galootiga waddanka ku socda
Waxaa ku yaalla Hämeenlinna xarunta lagula taliyo dadka soo galootiga ah oo Kastelli la yidhaahdo (Wetterhoffinkatu 2).
Kastelli waxaad ku helaysaa adeeg luqado kala duwan ku baxa maalmaha shaqada saacadda 10-12 iyo 13-16.
Rugta talobixinta dadka dalka u soo guuray ee Kastelliga (myintegration.fi)
Macluumaad ku saabsan mushtamaca finnishaka ah infofinland.fi
Arrimaha ku xidhan laanta socdaalka ee Migri migri.fi
Myintegration
Macluumaad guud oo ku saabsan Hämeenlinna
(af finnish, af ingiriis, af soomaali, af carabi, af ruush)