Sidan ayaad u yareyn kartaa cadadka qashinkaaga lacagna u keydsan kartaa

- Soo iibso alaab adag iyo dhar tayo leh, si haddii aad rabtid inaad hadhow iibisid aad lacag uga heshid
- Soo iibso alaabta iyo dharka aad u baahan tahay oo kaliya. Ka fikir waxaad iibsaneysid.
- Soo iibso alaabta la isticmaaley adiguna iibi alaabtaada.
- Si fiican u dhaqaalee alaabtaada iyo dharkaagaba. Markaas ayey muddo badan ku heynayaan.
- Raashinka kaa hadha ee dheeraadka ah gali barafeeyaha, ha daadin raashinka.
- Cab biyaha qasabada/ tuubada, finland biyaheedu wey fiican yihiin waana aamin.
Xigasho: InfoFinland