Shaqada korontada
Finland awoodda dabka ee ugu weyni wwa 230 foltayj.
Shaqooyinka korontooyinka ee khaaska ah Finland waxa keliya oo sameyn kara shaqaalaha korontada xirfadda u leh oo qudha.
Shaqooyinka korontae e yaryar qaarkood iskaa waad u sameysan kartaa, haddii aad taqaanid. Waxaad iskaa u sameysan kartaa tusaale:
- fuyuuska waad badalan kartaa
- leydhasha guluubyo cusub waad ku badalan kartaa
- leydhka waad ku xidhiidhsan kartaa saqafka gurigga nal xidhiidhiyaha ku yaala.
HESHIISKA KORONTADA
Guriga waxaad u heleysaa koronto marka aad saxiixdo heshiiska korontada. La samee shirkadda korontada. Waxaad heshiis ka samayn kartaa telefoonka ama shabakadda internetka. Hämeenlinna xafiis shirkad koronto ama shirkadu kuma taalo.
Hämeenlinna shabakada looga baahan yahay korontada waxaa iska lehElenia. Elenia waxay daryeeshaa oo kaliya gudbinta koronto la’aanta. Waxad mar walba helaysaa laba biil oo ah biilasha korontada (gudbinta iyo isticmaalka).
Waxaa haboon is barbardhig qiimaha shirkadaha korontada ee kala duwan si loo helo ta ugu jaban.
Xasuuso inaad heshiiska ka baxdo, markaad guureyso. Heshiiska waxaad xittaa u wareejin kartaa gurigaada cusub.
Haddii aad Kelada ka hesho kaalmada bulsho, heshiiskaada korontada laguma daro kharashaad dheeraad ah, sida “korontada cagaaran”.
Wakalda suuqa tamarta – Isbarbar dhig qiimaha korontada
Elenia – Sida loo sameeyo heshiis.