Ku soo dhawoow Finland! Hanuuninta bulshada marxaladooda ugu horeysa ee dadka dalka u soo guurey
Waxaad ku baran kartaa bulshada finnishka ah ciyaartan adigoo adeegsanaya isla markaana ku baranaya luqada finnishka.
Ciyaarta- hanuununta bulshada adigoo adeegsanaya waxaad ku baran kartaa dad kale waxaanad sidoo kale warbixino ka heli kartaa tusaale ahaan dal la qabsiga iyo bad qabka, waxbarashada iyo korriinka, xirfadaha iyo shaqooyinka, adeegyada masuuliyiinta iyo sidoo kale xuquuqda muwaadinka iyo waajibaadkiisa iyo sdioo kale taariikhda 100- sano jirka Finland, dhaqanka, xafladaha iyo caadooyinka. Waxaad ciyaartaa ciyaari kartaa adigoo kaligaa ah ama tusaale ahaan saaxiibkaa ayaad la ciyaari kartaa.
Ciyaartaa- hanuuninta bulshada halkan ayaad ka heleysaa:
Waxaad haysataa ciyaaro dhowr ah. Haddii aad dooneysid inaad ciyaarto ciyaarta- hanuuninta bulshada, ku qor ereyga-koodhka ciyaarta khaanada hoos ku qoran ereyga finnish. Markaas ka dibna waxaad galaysaa bogga, kaas oo lagu weydiinayo Magacaagu waa maxay? Waxaad ku qori kartaa khaanada hoose magacaaga, haddii aad dooneysid, ama u sameyso ciyaarta awgeed magac kale. Haddii aad la ciyaareysid saaxiibo kale, waxaad ku qoreysaa xubnaha kooxdaada magacdooda qoraalkan hoostiisa khaanada ku taala. Waxaanad isticmaali kartaa magacyadiina la idiinku yeedho ama waxaad sameysan kartaan magacyo kale oo aad ku ciyaartaa.