Badbaadadda carruurta
Ilmo waliba wuxuu xaq u leeyahay carruurnimo badbaado leh oo wanaagsan. Badbaadadda carruurtu waa, in shaqaalaha arrimaha bulshada ee degmooyinku ay ka caawiyaan carruurta iyo qoysaskoodaba xaaladaha dhibaatooyinka, Dhibaatooyinka waxaa la isku dayayaa in la farageliyo inta aynan aad u sii weynaanin. Badbaadadda carruurtu mar walba waa tan ugu dambeysa. Waxaana looga jeedaa, in inta aanan lala soo xidhiidhin badbaadadda carruurta laga kaalmeeyo tusaale ahaan iskuulka ama xanaanadda dhallaanka.
La xidhiidhidda badbaadadda carruurtu waxay bilaabantaa marka la sameeyo wargelinta badbaadadda carruurta. Qoysku wey ka soo codsan karaan caawimaad masuuliyiinta badbaadadda carruurta. Wargelinta badbaadadda carruurta waxaa kale oo sameyn kara qof kasta oo ka warwar qaba qoyska badqabkiisa. Tusaale ahaan ilmaha macallimiintiisu wey la soo xidhiidhi karaan masuuliyiinta badbaadadda carruurta.
Mararka qaarkood waalidku ma daryeeli karaan ilmaha bad qabkiisa. Markaasna bulshada ayaa faragelin ku sameyn karta qoyska xaaladiisa. Muhiimadda ugu weyn ee badbaadadda carruurtu waa ilmaha danihiisa wanaagsan.
BADBAADADDA CARRUURTU WAXAY QOYSASKA KA KAALMEEYAAN MARXALADAHA DHIBAATOOYINKA
Badbaadadda carruurta waxaad adigu ka codsan kartaa tusaale ahaan, haddii waalidiintu ay daalan yihiin ama qoyska ay ku dhacaan isbedel nololeed oo xaalad adag ahi. Badbaadada carruurtu waxay ka kaalmeysaa qoysaska sidoo kale sida, haddii ilmaha ama dhallinyartu tusaale ahaan ay isticmaalaan maandoorirayaal badan ama ay sameeyaan falal dambi ah.
Badbaadadda carruurtu waxay leeyihiin qaabab badan oo ay ku caawiyaan qoysaska. Tan ugu horeysa ee la isku daya waa daryeelka furan oo ah, in ilmuhu uu la dagaanayo qoyskiisa. Shaqaalaha arrimaha bulshada ayaa u qorsheeya tusaale ahaan kaalmo gurigga lagu siiyo ama shaqsi taageere ah.
Haddii qoyska ay ka jirto waxyeeleyn ama qaab khaldan loo isticmaalayo maandooriyeyaasha, shaqaalaha arrimaha bulshadu waa in ay fara geliyaan xaaladaas. Haddii uunan ilmuhu badbaado ku haysanin gurigga ama xaaladda ilmuhu ay tahay mid runtii aad u adag, waxaa la sameyn karaa go’aan meeleyn ama la wareegid ah. Ilmaha waxaa la isku dayaa koleyba mar kasta in lagu caawiyo marka hore sidii uu u deganaan lahaa gurigiisa.
BADBAADADDA CARRUURTU WAXAY KU SALEYSAN TAHAY SHARCIGA
Badbaadadda carruurtu waxay ku saleysan tahay sharciga badbaadadda carruurta iyo heshiisyada caalamiga ah. Sharciga badbaadadda carruurtu wuxuu khuseeyaa dhammaan carruurta deggan Finland oo dhan. Taasina ma ahan mid ku xidhan iyaga jinsiyadiisa, diintiisa ama dhaqankiisa.
Wixii warbixin dheeraada ah ee la xidhiidha badbaadadda carruurta ee Finland waxaad ka heleysaa
Xigasho: Lastensuojelu.info