Sinnaanta
Sinnaanta ka dhexeysa ragga iyo dumarka
Sida uu qeaxaayo sharciga dalkan Finland, ragga iyo dumarku waxaa ay leeyihiin isku xuquuq. Xitaa dumarka la qabo waxaa ay leeyihiin xuquuq la mid ah tan ragga
Finland waa arin iska caadi ah in dumarku ay shaqeeyaan, xitaa haddii ay caruur leeyihiin. Mas’uuliyadda caruurta iyo daryeelka gurigaba isku si ayay u saaran tahay ragga iyo dumarkaba. Dumarku uma baahna in ay waalidkood ama ninkooda fasax ka heystaan si ay u shaqeeyaan ama iskuul u dhigtaan.
Ragga iyo dumarkaba iyaga ayaa nafsad ahaantooda go’aan ka gaari kara cidda ay doonayaan in ay is guursadaan. Finland waa arin danbi ah in qofka lagu khasbo guur aanu raalli ka aheyn. Tusaale ahaan waalidku xaq uma lahan in ay caruurtooda ku khasbaan ama cadaadis ku saaraan in ay gursadaan. Ragga iyo dumarkuba si isku mid a ayay xaq ugu leeyihiin in ay furiin dalbadaan. Furiinkana waxaad heli kartaa, iyadoo aan wax ogolaansha ah laga heynin lammaanaha kale.
Dagaalku waa arin danbi ah dalkan Finland. Sidoo kale dagaalka ama gacan ka hadalka ka dhex dhaca qoyska sida garaacidda, iyo kufsiga ama faraxumeynta xagga jinsiga ah waa danbi.
Sinnaanta xagga shaqada
Goobaha shaqada waa in si isku mid ah loola dhaqmaa ragga iyo dumarkaba. Lama ogola in qofka la takooro, iyadoo loo eegaayo jinsiga uu yahay. Waxaa taa loola jeedaa in iyadoo loo eegaayo xagga jinsiga qofku uu yahay, in aan ragga la siin karin mushaar ka badan kan naagaha, ama aan haweeyneyda shaqada looga eryi karin sababtoo ah uur ayay leedahay.
Sharciga sinnaanta ayaa diidaya in qofka lagu takooro jinsiga uu ka soo jeedo awgeed. Mas’uulka u xilsaaran sinnaanta, waa howl-wadeen dowladeed oo ilaalinaya sida loogu dhaqmo sharciga sinnaanta. Haddaad tuhunsan tahay in adiga goobta shaqada lagugu takooray jinsiga aad tahay awgeed, waxaad la xiriiri kartaa mas’uulka u xilsaaran arimaha sinnaanta (tasa-arvovaltuutettu) ama ururkaaga xirfadlayaasha ee u dooda xuquuqda dadka shaqeeya.
Sinnaan iyo cadaalalad xagga shaqada ah – InfoFinland
Tasa-arvovaltuutetun toimisto:
Macluumaad ku saabsan sinnanta shaqada: Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Carabi | Sami
Xigasho: InfoFinland