Dugsiga sare
Dusgisga sare waa waxbarasha iskuulka sare, taas oo siineysa aqoon wanaagsan oo uu qofku ka sii wadan karo waxbarashadiisa xirfadaha ee sare- ama waxbarashada- jaamacadda
Waxbarashada- dugsiyada sare inta badan waxaa lagu diyaariyaa saddex sano ugu badnaana afar sano gudahood. Ardeygu wuxuu heli karaa haddii ay jirto sabab macquul ihi in loo sii dheereeyo mudadda diyaarinta.
Gabagabada dhamaadka dugsiga sare sida caadiga ah waxaa la ditaariyaa shahaadadda dugsiga sare, taas oo ku siineysa inaad dalban kartid jaamacad. Iskuullada xirfadaha ee sare iyo shahaadooyinka xirfadaha asaasiga ah ee dugsiga sare dhameyntiisa waxaad ku dalban kartaa markaad dhameysid dugsiga sare kooroosiyinkii laga rabay oo dhan.
Qaybta dugsiga sare ee dadka waawayn (LUKIO)
Dugsiga sare (lukio) ee dadka waawayn ee Lyseo ee Hämeenlinna waxaad ka diyaarin kartaa waxbarashadda dugsiga sare ama qaybo waxbarashadaas ka mid ah. Sidoo kale waxaad kor ugu qaadi kartaa, kuna dhamaystiri kartaa ama haddii ay qaybo waxbarasho qabyo kaa yihiin ku sii wadan kartaa maadooyinka waxbarashadda dugsiga sare. Waxaad sidoo kale kor ugu qaadi kartaa dhibcaha maadooyinka waxarashada dugsiga sare. Qaybta dadka waayen ee waxbarashada dugsiga sare (lukio) waxaad xitaa ku baran kartaa moodoonyin keli keli ah. Waxbarashadda dadka waawayn ee dugsiga sare (lukio) waa lacag.
Opintopolku – Opinnot lukiossa
Lukioon – Koulutuskuntayhtymä Tavastia Hämeenlinna
Hämeenlinnan lyseon lukio aikuislinja | Iltalinja | Aikuislukio (kktavastia.fi)