Iskuuladda Hämeenlinna iyo qaabka loo dalbado

Waxaa jira 22 dugsi oo waxbarashada aasaasiga ah (primary iyo lower secondary). Dugsi kasta oo ku yaalla Hämeenlinna wuxuu leeyahay bogag u gaar ah oo aad ka raadin karto macluumaad gaar ah oo ku saabsan dugsigaas.
Magaalada Hämeenlinna waxaa loo isticmaalaa nidaamka Wilma si loo fududeeyo iskaashiga u dhexeeya dugsiga iyo guriga.
CODSIGA DUGSIGA WAXBARASHADA AASAASIGA AH
Waxaad codsi u diri kartaa meel dugsiga ah adigoo isticmaalaya foomka codsiga elektaroonigga ah: Codso meel dugsi
Fiiro gaar ah: Haddii ilmahaagu uusan weli haysan lambarka aqoonsiga Finland (social security number), fadlan isticmaal lifaaqa AXXXX dhammaadka aqoonsiga (ddmmyyAXXXX).
Codsigaaga waxaa lagu farsameyn doonaa 2 toddobaad gudahood, waxaana si toos ah dugsiga uga heli doontaa farriin xaqiijin ah oo ku saabsan booska dugsiga ee ilmahaaga.
OGEYSIISKA XULASHADA DIINTA / ANSHAXA
Fadlan daabac, buuxi foomka (codsiga), kadibna ku celi dugsiga ilmahaaga.
HADDII AAD HAYSATO SU’AALO AMA AAD U BAAHATO CAAWIN DHEERI AH FADLAN NALA SOO XIRIIR:
Waxbarashada aasaasiga ah – macluumaad iyo hagid
iimayl: perusopetus@hameenlinna.fi
taleefan: +358 3 6214145 (Khamiista 10:00 subaxnimo – 12:00 duhurnimo)
Hagidda qoysaska caalamiga ah
Kastelli Service Point
Wetterhoffinkatu 2, 13100 Hämeenlinna
Furan Talaadada iyo Khamiista 13:00 – 15:30.
Waxbarashadda aasaasiga ah – Hämeenlinna (hameenlinna.fi)
Simistarka iyo fasaxyadda – Hämeenlinna (hämeenlinna.fi)
Waxbarashadda aasaasiga ah – InfoFinland
Wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanka: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti
Xilhayaha waxbarashadda: Macluumaad ku saabsan waxbarashadda aasaasiga ah suomi | ruotsi | englanti

