Barbaarin-horaadka
Xanaanaynta oo ah barbaarinta ilmaha waxa loogu talogalay ilmaha aan weli gaadhin da’da iskuulka. Degaanadda Finland waxay bixiyaan barbaarinta ilmaha oo ilmaha waxa la geeyaa xanaanadda. Waxa sidoo kale jira xanaanooyin baraayfad ah oo ilmaha lagu barbaariyo.
Waxa ilmaha loo barbaariyaa siyaabo badan oo kala duwan, tusaale ahaan ciyaaro, jimicsiyo, banaan u saarid, wax qabadka gacmaha iyo safaro maalinle ah.
Ilmaha waxa xanaanadda lagu siiyaa sadex raashin maalintiiba: quraac, qado iyo nusasaace. Haddii ilmahaagu cuno raashin gaara u sheeg macalimiinta barbaarinta ee xanaanadda.
Qoyska ilmahahoodda la barbaarinayo diinta ama fikirkoodda nolosha waa loo tix galinayaa.
Caawinta qaxoontiga ee Finland: Ereyadda xanaanadda
Wasaaradda waxbarashadda iyo dhaqanka: Macluumaad ku saabsan barbaarinta ilmaha suomi | ruotsi | englanti