Ururada shaqaalaha iyo qasnadda shaqo la’aanta
Urur shaqaale
Finland shaqaalaha inta ugu badanina waxay hoos yimaadaan ururada shaqaalaha. Waad ku biiri kartaa xirfadaada ururkeed, haddii aad dooneysid. Urarada shaqaaluhu waxay isku dayaan in ay hagaajiyaan sida. mishaharka oo ay kordhiyaan iyo ammaanka xidhiidhka shaqada. Finlad sharciga u deggan shaqaalaha ayaa daboolaya badbaadadda shaqaalaha iyo xuquuqdooda iney ku biiraan ururada. Xuquuqdan laguma xadeyn karo sinaba heshiis.
Xubnaha ururada shaqaaluhu waxay bixiyaan lacagta xubinimada. Sida qaalibka ah waa 1-2% oo mishaharkaaga laga goynayo. Lacagta xubinimada cashuurta waa lagaaga dhimayaa.
Markaad hoos tagetid ururka shaqaalaha, waxaad heysataa taageerada qofka aaminta shaqaalaha o okaa taageeraya xaaladaha muranka ee goobta shaqada. Haddii aad u baahto waxaad ururka ka heleysaa talooyin iyo caawimaad talo bixineed.
Finlan adigaa doorashada iska leh inaad galeysid nidaamka qasnada shaqo la’aanta. Qasnada shaqo la’aanta shaqaalaha hoos yimaadaa wuxuu bixinayaa markuu shaqeynayo xubinimada qasnada shaqo la’aanta. Haddii ay shaqaaluhu noqdo shaqo la’aan, wuxuu ka dalban kartaa qasnada shaqaalo la’aanta maalintii ee ku xidhan tii aad horey u kasbatey. Wey wanaagsan tahay inaad ku biirtid qasnada shaqo la’aanta, sababtoo ah lacagta aad heleysid ee aad kasbatey wey ka badan tahay tan shaqo la’aanta.
Qasnadda shaqo la’aanta
Ururka shaqaalaha iyo khasnadda shaqo la’aantu waa labo nidaam oo kala duwan. Finland waxaa ka jira 25 khasnadaha shaqo la’aanta ah. Qofka xubinta ka ah qasnada shaqo la’aanta wuxuu bixinayaa inta uu shaqaynayo lacagta xubinnimada ee qasnadda shaqo la’aanta. Haddii shaqadu ka dhamaato oo uu shaqo la’aan noqdo waxaad lacagta ka codsan kartaa qasnadda shaqo la’aanta lacag maalmeedka ee qofka shaqeyn jiray xubinna ka ahaa qasnada loogu talogalay (ansiosidonnainen työttömyyspäiväraha). Way kuu fiican tahay inaad ku biirto qasnadda shaqa la’aanta, sababtuna waa, haddii shaqa la’aani kugu dhacdo, qasnadda shaqa la’aanta ayaad ka helaysaa lacag maalmeedka shaqa la’aanta oo ku xiran mushaarkii ku soo geli jirey, lacagtaasina way ka badan tahay lacag-maalmeedka aasaasiga ah ee ay Keladu bixiso.
In khasnadda shaqo la’aanta laga helo lacag maalmeedka mushaarka ku salaysan waxaa ku xiran xoogaa shuruudo ah. Shuruudahaas sii ogow hadiiba inta aadan ku biirin qasnadda shaqo la’aanta. Tusaale ahaan waa in aad shaqo ku jirtaa wakhti cayimanna aad xubin ka ahaataa khasnadda shaqo la’aanta.
Työttömyyskassojen Yhteisjärjestö ry (TYJ): Waa maxay sababta ay u wanaagsan tahay in lagu biiro khasnadda shaqo la’aanta