Caruurta
Sida uu qabto sharciga dalka Finland qofka da’diisu ay ka yar tahay 18- sano waxaa loo arkaa inuusan qaan-gaar ahayn. Qofka da’diisu ka yar yahay 18-sano waa inuu mar walba leeyahay ugu yaraan hal mas’uul. Guud ahaan mas’uuliyiinta cunggu waa waalidkiisa.
Markii uu qofku buuxiyo 18-sano ayuu noqonayaa qof qaangaar ah.
Sida uu qabo sharciga Finland caruurta oo dhan way siman yihiin ayadoon loo eegeyn jinsiyadooda iyo da’dooda toona.
Waajibaadka iyo xuquuqda ku qoran dastuurka dalka Finland waxuu khuseeyaa dhammaan caruurta dalka Finland degen. Sida uu dastuurka qabo, caruurta waa in loola dhaqmaa si ay ku jirto sinnaan iyo cadaalad shakhsiyadeed, waana inay saameyn ku yeeshaan go’aamada iyaga khuseeya.
Barbaarinta carruurta ee dalka Finland
Bulshada ayaa xuquda ilmaha ku xaqiijinaysa sharci iyo qawaaniin loogu talogalay ilaalinta ilmaha. Sida uu sharcigu qabo waalidiinta ama qofka ilmaha gacanta ku haya ayaa mas’uul ka ah barwaaqo ku noolaanshada iyo helitaanka horumar dheelis tiran inuu ilmuhu helo.
Dalka Finland sharci ayaa lagu mamnuucay in ilamaha lagu anshaxiyo ciqaab xagga jirka (anshaxayn waxyeelo leh). Tusaale ahaan ilmaha lama garaaci karo sidoo kale timaha lagama jiidi karo.
Bulashada Finnishka dhexdeeda waxaa aad muhiimad loo siiyaa sinnaanta. Tusaale ahaan hooyada ilmaha yar leh waxay aadi kartaa shaqo, isla markaas waalidka kale ayaa ilmaha guriga ku xanaaneynaya. Dalka Finland dumarka iyo raguba ilmaha ayey xanaaneeyaan oo barbaariyaan.
Ilmaha waxaa lagu dhiiri geliyaa inay si xor ah u fikaraan. Tusaale ahaan ilmuhu wuxuu qabi karaa fikrad ka duwan tan waalidka. Dalka Finland inta badan dhalinyaradu waxay guriga waalidka ka guuraan markii ay qaan-gaaraan, haddii ay waxbarasho aadaan ama shaqo aadaan. Waa wax iska caadi ah, inay kali noolaadaan ama ay la noolaadaan arday kale ka hor inta aysan xaas noqon.
Dalka Finland waxaa laga qiimeeyaa waxbarashada, dhiirigelinta waalidka ee xagga waxbarashaduna waa muhiim. Noqo mid xiiseeya waxbarashda caruurta kana qayb-gal tusaale ahaan galbaha waalidiinta ee iskuuladu qaban-qaabiyaan.
Waxaa aad muhiim u ah in carruurta iyo dhallinyarada loo yeelo xad iyo qawaaniin qabta. Qawaaniinta wada jirka ah waxaa tusaale ahaan lagula heshiin karaa waalidinta kale. Waxaa habboon in la xasuusto in ilmaha da’doodu ka yar tahay 18-sano aan la siin karin sigaar ama khamri midna.
Markii qofka dhalinyarada aahi uu buuxiyo 18-sano ayuu sharci ahaan noqonayaa qaan gaar. Markaas qofka dhalinyarada ahi wuxuu si buuxda xubin uga noqonayaa bulshada wuxuuna gaari karaa go’aamada la xiriira noloshiisa. Sidoo kale qofka dhalinyarada ah ee da’diisu ka yartahay 18-sano wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaaro arimaha asaga khuseeya qaarkood.
Korriinka carruurta waxaa loo fidiyaa caawimaado iyo taageerooyin fara badan. Haddii aad u baahan tahay kaalmo ama aad ka warwarsan tahay ilmahaaga, waxaa wanaagsan inaad xilli hore aad weydiisatid talo tusaale ahaan adeegyada arrimaha bulshada ee magaaladda Hämeenlinna. Warbixinahoodana halkan ayaad ka heleysaa.