
OpinTyö
Kani wuxuu kugu habboon yahay haddii aad hore u taqaan aasaaska afka Finnishka (heerka A1.3–A2.2), isla markaana aad rabto inaad hesho macluumaad iyo waayo-aragnimo ku saabsan shaqada Finland. Waxaan si gaar ah u raadinaynaa dadka leh xirfad ama xiiso dhinacyada logistics-ka ama farsamada (tusaale ahaan koronto, ururin, axlan). Ujeeddada valmennuskan waa in la horumariyo afka Finnishka lana muujiyo xirfadaha shaqo ee goob shaqo oo dhab ah.
OpinTie
Kani wuxuu kugu habboon yahay haddii aad rabto inaad barato aasaaska afka Finnishka oo aad barato dhaqanka Finland. Inta lagu guda jiro koorsadan, waxaad baran doontaa sida wax looga qabto Finland, waxaadna heli doontaa hagid ku saabsan aqoonsiga xirfadahaaga, sidoo kale waxaad horumarin doontaa xirfadaha raadinta shqao
OpinPa
Kani wuxuu kugu habboon yahay haddii aad rabto inaad barato afka Finnishka si tartiib ah oo degan. Valmennuskan waxaad ku baranaysaa afka Finnishka, waxaadna bartaan bulshada Finland. Waxa kale oo aad heli doontaa hagid iyo talooyin shaqsiyeed oo taageeraya kuu fududeynaya ka dhabaynta mustaqbalkaaga iyo hamigaaga.
OpinEKO
Kani wuxuu kugu habboon yahay haddii aad hore u leedahay waxbarasho, waayo-aragnimo shaqo ama xirfad la xiriirta horumar waara ama deegaanka, islamarkaana aad rabto inaad sii horumariso xirfadahaaga oo aad sameysato xiriirro la leh shirkadaha Finland ee isla xirfaddaas.
Akhri wax dheeraad ah oo iska diiwaan geli: Si degdeg ah si aad u shaqeyso: Opin tababar
Mashruuca “Nopeasti töihin – kielitietoinen kotoutumisvalmennus” waa mashruuc ESR+ ah oo soconaya sanadaha 2024–2027, waxaana maalgelinaya Sanduuqa Horumarinta Bulshada Yurub (Euroopan sosiaalirahasto plus) iyo Keski-Suomen elinvoimakeskus.
![]()
OpinEKO kama mid aha mashruuca “Nopeasti töihin – kielitietoinen kotoutumisvalmennus (ESR+)”.

