Caawimaadda halista- iyo xaaladaha dhibaatooyinka
Wac xarunta gargaarka degdega ah lumbarkooda 112, markii adiga ama qof kale ay ku dhacdo xaalad halis ah oo degdeg ahi, marka adiga ama qof kale naftiisa, caafimaadkiisa, hantidiisa ama agagaarkiisa ay halis ku jirto ama ay khatari soo wajahdo. Xarunta gargaarka degdega ahi wey furan tahay xili kasta habeen iyo maalinba. Gargaarka degdega ah dhiniciisa ayaa looga gudbinayaa halistaa ambalaska, booliska, xarunta badbaadinta iyo heeganka shaqaalaha arrimaha bulshada.
Wac lumbarka gargaarka degdega ah, markii
- adiga ama qof kale ay naftiinu halis ku jirto
- adiga ama qof kale aad gashaan shil baabuur ama aad arkeysey markuu shilka baabuur ku dhacayey
- aad dareentid, in uu dab dhashey ama meel qabsadey
- aad dareentid, in meel la jabsadey
Ha wicin lumbarka gargaarka degdega ah, haddii aynan arintu degdeg aheyn, waxaa looga jeedaa haddii aynan wax halis ah oo degdeg ahi jirin.
Ha wicin lumbarka gargaarka degdega ah, markii
- ay arrintu tahay jiro caadi ah
- ay arrintu tahay xaalad rabsho, oo uunan qofna halis ku jirin, tusaale ahaan korontada oo go’oda ama wadooyinka oo saxmad ah
- aad dooneysid in aad booliska weydiisid tusaale ahaan arrimaha-ogolaanshaha oo kale
Soo wicitaanka sabab la’aanta awgeed waxaa laga yaabaa in laga daaho/habsaamo xaalad degdeg ah oo dhab ah oo caawimo u baahan. Haddii aad u soo wacdo sabab la’aan lumbarka gargaarka degdega ah, waa lagu ciqaabi karaa adiga.
Markaad soo wacdid lumbarka gargaarka degdega ah 112
Markaad soo wacdid lumbarka gargaarka degdega ah, waxaad ku hadli kartaa finnish ama iswidhish. Waxaad weydiin kartaa qofka telefoonka ka jawaabaya ee shaqaalaha heeganka inuu fahmayo ingiriiga, laakiin ma ahan hubaal. Adeegga turjubaanka ayaa ku caawin kara, haddii loo baahdo.
Markaad soo wacdid gargaarka degdega ah
- sheeg magacaaga
- sheeg, waxa dhacay
- sheeg cinwaanka saxda ah iyo degmada
- ka jawaab su’aalaha heeganka xarunta gargaarka degdega ah
- raac tilmaamaha, ku howlgal sida uu ku farayo shaqaalaha heeganku
- ha dhigin telefoonka, ilaa inta lagu siinayo amar
Markaad soo wacdidi lumbarka gargaarka degdega ah, waa bilaash oo lacag ma ahan. Waxaanad ka soo wici kartaa telefoon kasta.
Haddii uu telefoonkaaga kuugu dejisan yahay 112-khadka Finland ee bilaashka ahi, lagama yaabo in aad u baahan tahay in aad sheegto goobta aad joogto. Markaad ka soo waceysid kan aad soo dejisatey ee khadka-Finland 112 ga xagiisa, heeganka ayaa arkaya halka aad joogto. Waxaad kaga soo dejisan kartaa codsigaa telifoonkaaga dukaanka codsiyada xagiisa.
Cisbitaalka dhexe ee Kanta-Häme gargaarkiisa degdega ah waxaa loogu talogaley bukaanada u baahan daryeel lagama maarmaan ah iyo gargaar degdeg ah. Gargaarka degdega ahi wuu furan yahay 24 saacadoodba habeen iyo maalin walbaba maalin kasta cinwaankuna waa Ahvenistontie 20, Hämeenlinna. Haddii aad u baahan tahay wax tilmaan- tusaaleyn ah waxaad weydiin kartaa telefoon ahaan, telefoonkan +358 3 629 4500.
Bukaanada oo dhan waxaa loo sameeya qiimeyn ah kaalmada degdega ah ee ay u baahan yihiin waxaana daaweynta ama daryeelka loogu bilaabaa hadba sida uu xanuunkoodu yahay ee uu u kala degdeg badan yahay. Haddii jiradu aynan u baahneyn daryeel degdeg ah, bukaanka waxaa loo diraa gurigga, daryeelka caafimaadka shaqaalaha, daryeelka caafimaadka xaafadooda ama dhakhtarada madaxa banaan. Gargaarka degdega ahi ma ahan meel lagaaga cusbooneysiiyo risiidka dawooyinka ama lagaaga qorayo fasax jiro.
Cisbitaalka dhexe agahiisa waxaa ku yaala goobta heeganka caafimaadka oo lagu baadho laguna daweeyo dadka jiran ama soo dhaawacma ee ka tirsan agagaarkaas daryeelkooda caafimaadka, kuwaas oo daaweyntoodu ay tahay lagama maarmaan.
Marka ay timaado xaalad degdeg ahi koleyba wac mar kasta 112!
Tusaale. si degdeg ah haddii ay kuugu bilaabanto faalid ama qeyb naafo ku noqoto ama si degdeg ah ay kuugu timaado calaamado xoog badan oo laab xanuun ah/neeftu qabato waxaad u baahan tahay baadhitaan degdeg ah iyo daryeel gargaar degdeg ah. Sidoo kale haddi ay dhacdo shil halis ah, dab qof ku gubto ama jab yimaado waa in si degdeg ah loo baadho. Markaas waa inaad wacdid 112!
Markaad u baahato gargaar degdeg ah oo caafimaadka ilkaha ah maalmaha shaqada saacadaha u dhexeeya klo 8:00 – 15:00, waxaad ballan ka qabsan kartaa goobta ballan qabsashada loogu talogaley dhinaceeda saacadaha 8:00 – 10:00.
Markaad u baahato daryeelka caafimaadka ee degdega ah maalmaha shaqada saacadaha u dhexeeya 15:00 – 21:00 ama maalmaha sabtida iyo axada, la xidhiidh dhakhtarka heeganka daryeelka caafimaadka.
Dhaktarka heeganka daryeelka caafimaadka waxaa laga bixiyaa gargaar degdeg ah oo kaliya, haddii adiga ama ehelkaagu aad ka cabaneysaan
- Xanuun xoog ah oo degdeg ah, kaaso o aad ka hurdi weydo dawada garaacuna ay kaa caawin weydo garaaca
- dhiig bax, kaaso o aad joojin kari weydey
- barar xoog badan, kaaso o ay la xidhiidhaan neefsashada- iyo liqitaanka oo kugu adkaada ama xumad xoog badan
- markuu ilig kaaga dhaco dhaawac gaadhey awgii ama jug cusubi kaa gaadho ilig, taas oo kalifat in ay kugu adkaato neefsashada- wax liqista- cunto cunida- ama afka kala furistiisu.
Dhakhtarka ilkaha ee degdegu ma daweeyo
- maalmo badan xanuun sahlan oo ku hayay ama calaamado yar yar oo ku dhibaya
- jab ama dilaac, mid la buuxiyey ama dahaadh la saarey o okaa soo dhaca
- Ilkaha la gashado marna la iska saaro ama kuwa ilkaha lagu toosiya o okaa jaba.
Haddii aad qabtid su’aal la xidhiidha ka hortagga/ daaweynta sumowga degdega ah, waxaad wici kartaa xarunta aqoonyahada sunta. Xarunta aqoonyahanada sunta adeegga telefoonkoodu wuxuu sheqeeyaa xili kasta habeen iyo maalinba.
Khubarooyinka kale
- Haddii aad og tahay ama aad ka shikidid in adiga ama qof ehelkaaga ahi uu ku sumoobey cunto, la xidhiidh goobta caafimaadka ee xaafadaada ama goobta heeganka.
- Haddii aad ka shikidid ama aad og tahay, in adiga ama qof ehelkaaga ah uu wax ku cadhoobey ama xaasiyad ku kacdey sida. cunto- walax ku jirta ama xayawaan qaniiney, la xidhiidh goobta heeganka.
- Haddii ay su’aashu tahay tusaale in aad walax-cunto ku jirta ama xayawaan ku qaniiney ay kugu keeneen inaad xasaasiyad ka qado oo aynan xaaladu mid halis ah oo degdeg ah aheyn, la xidhiidh goobtaada caafimaadka.
- Haddii aad dooneysid inaad weydiiso tusaale buska/ boodhka ama ubaxa dilaacaya- ama wax kale xasaasiyad ah la xidhiidh goobta caafimaadka ee xaafadaada.
- Haddii aad weydiineysid daawooyinka, la xidhiidh farmasiyaha.
- Haddii aad dooneysid inaad weydiiso raashin (tusaale maxaa ku jira cuntooyinka qaarkood), la xidhiidh masuuliyiinta ku shaqada leh raashimada.
Haddii ay jirto xaalad halis ah oo degdeg ahi, wac mar kasta lumbarka gargaarka degdega ah 112!
La talinta adeegyada arrimaha bulshada iyo heeganka arrimaha bulshada
Haddii ay qoyska ku dhacdo marxalad dhibaato, taas oo looga baahan yahay dhibaatadaa caawimaad degdeg ah, la xidhiidh magaaladda Hämeenlinna la talinta adeegga arrimaha bulshada. La talintu wuxuu adeegeedu furan yahay isniin kasta, talaada kasta, khamiis kasta iyo jimce kasta saacadaha u dhexeeya 9.00 – 12.00 iyo arbaca kasta saacadaha u dhexeeya 13.00 – 15.00 lumbarka +358 3 621 3303.
Markaad u baahan tahay caawimaad deg deg ah oo lagama maarmaan ah, markaasna ay la talinta adeegga arrimaha bulshada ee Hämeenlinna ay xidhan tahay, la xidhiidh Kanta-Häme heegankeeda arrimaha bulshada. Waxaad kula xidhiidhi kartaa heeganka arrimaha bulshada adigoo waca lumbarka gargaarka degdega ah 112. Gargaarka degdega ah ayaa u gudbinaya heeganka arrimaha bulshada la soo xidhiidhidaada, kaaso o heeganka gargaarka degdega ahi uu qiimeynayo in loogu baahan yahay howlaha arrimaha bulshada wax qabadkooda si degdeg ah iyo in kale.
Heeganka arrimaha bulshada waxaa lagu daryeelaa
- arrimaha degdega ah ee badbaadadda carruurta
- ilmaha aan weli qaan gaadhin maandooriye isticmaalkiisa iyo dambiyadiisa xaaladaha la xidhiidha
- qoyska-iyo ehelka dhexdooda oo ay waxyeeleyni ka dhex dhacdo
- xaaladaha dhibaatooyinka kaalmada marxaladda ugu horeysa (tusaale dhimashada qof ehel ah)
- xaaladaha, kuwa qofka weyni uunan keligiis gurigga is daberi karin
- xaaladaha kale, kuwo looga baahan yahay qiimeynta howlaha shaqaalaha arrimaha bulshada ama xalintooda iyo kuwo sugi kara maalinta shaqo ee xigta.
Heeganka arrimaha bulshada laguma daryeelo
- heeganka shaqaalaha arrimaha bulshadu ma falanqeeyo lacagta, ma sameeyo akound lacag ku wareejin ama ma bixiyo biilal. Arrimaha kaalmada kabka nolosha kala xidhiidh marka ugu horeysa Kelada.
- daryeelka-ilmaha- arrimaha la kulanka: haddii heshiiska la kullanka ama go’aanka lagu dhaqmi waayo, heeganka shaqaalaha arrimaha bulshadu ma hirgeliyo xuquuqda la kullanka. Hirgelinta la kullanka waxaad ka dalban kartaa maxkamadda degmadda xilliyada maalmaha shaqada.
- xaaladaha, kuwa sugi kara maalmaha xiga ee shaqada iyadoonan qofna ammaankiisu halis galeynin.
Fiiri ” la talinta shaqaalaha arrimaha bulshada iyo heeganka shaqaalaha arrimaha bulshada”
Haddii xaalad degdeg ah ku hayso oo halis ah, wac mar kasta lumbarka gargaarka degdega ah 112!
Leynka aan la dabin kareynin
Haddii uu waxyeelo jidh dil ah kugu hayo qofka aad la socoto, xaaskaaga, ninkaaga, ilmahaaga ama qof kale oo nin ah oo qaraabadaada ahi, waxaad la xidhiidhi kartaa lumbarka aan la goyneynin. Sidoo kale waxaad la xidhiidhi kartaa, haddii aad ka baqeysid waxyeeleyn ama haddii aad dooneysid in la qiimeeyo adiga ama qoyskaaga caafimaadkiina kaalmada ay u baahan yihiin. Leynka aan la goyneynin ee adeegga telefoonka waxaad ka heleysaa kaalmo iyo talo siin.
Haddii xaalad degdeg ah oo halis ah ku hayso, wac mar kasta lumbarka gargaarka degdega ah 112!
Ururka Monika-Naiset ry.
Haddii aad tahay qof dumar ah ama carruur oo ajnabi ah kulana soo daristey waxyeeleyn, waxaad la xidhiidhi kartaa ururka Monika-Naiset ry:ga. Ururka Monika-Naiset ry. wuxuu kuu fidinayaa caawimaad, kaalmo iyo la talin dumarka iyo carruurta ajnabiga ah ee ay la soo daristey waxyeeleyntu.
Kaalmo dalbo, haddii
- adiga laguugu hanjabey gurigga ama meel kaleba kana baqaneysid qofka aad nolosha la wadaagtid ama qof kale oo ehelkaaga ahi inuu waxyeeleeyo kuu geysto adiga.
- waxaa lagaa hor istaagey in aad la kullantid asxaabtaada ama qaraabadaada
- ama lagugu kalifo in aad fasax codsato markaad ka soo xalisaneyso arrimahaaga gurigga banaankiisa (tusaaleukaanka ama dhakhtarka inaad tagto, waxbarashadii iwm.)
- ka baqeysid, in aanad adigu go’aan ka gaadhi karin qofka aad guursaneysid
- waxaa kula soo darsey waxyeeleyn galmo ah ama dhibaateyn
Haddii xaalad degdeg ah oo halis ah ku hayso, wac mar kasta lumbarka gargaarka degdega ah 112!
Leynka dumarka
Haddii aad tahay qof dumar, gabadh ama ehelkooda oo ay la soo kullantey waxyeeleyn ama ka warwarsan waxyeeleyn in loo geysto, waxaad la xidhiidhi kartaa Leynka dumarka. Leynka dumarka telifoonka adeegga waxaad ka heleysaa caawimaad, kaalmo iyo la talin.
Haddii xaalad degdeg ah oo halis ah ku hayso, wac mar kasta lumbarka gargaarka degdega ah 112!
Eber leynka
Haddii ay kula soo daristey waxyeeleyn jidh ahaaneed, maskax ahaaneed ama galmo ahaaneed ama hanjabaad waxyeeleyn ah, waxaad la xidhiidhi kartaa Eber leynka. Eber leynka adeegiisa telefoonka wuxuu ku siinayaa kaalmo iyo la talin.
Haddii aad uga baahan tahay caawimaad dhinaca sharciga arrimahaaga xallintooda awgeed, waxaad heleysaa caawiye dhinaca sharciga oo dhan ama qeyn ahaan ka dib, si ay dawladda Finland u bixiso kharashka ku baxa qareenka isagoo dhan ama qeyb ah. Waxaad heli kartaa caawimaad xagga sharciga ah arrimahaaga oo dhan.
Haddii aad dhibaato ku qabdid dhinaca dhaqaalaha, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska gargaarka sharciga ee Kanta-Häme ee La talinta xagga dhaqaalaha iyo deynta.
Hel macluumaad iyo talo ku saabsan maaraynta iyo qorshaynta dhaqaalahaaga. Hadaad leedahay deyn aadan xamili karin, raadi xalka la talinta dhaqaalaha iyo deynta.
Haddii adiga ama ehelkaaga midkiin aad tihiin dhibbane dambi loo geystey ama markhaati ah ama ay idin soo wajahdey isku dey dami, waxaad la xidhiidhi kartaa Heeganka maalinlaha dhibbanaha dambiga loo geystey. Halkaas waxaad ka heleysaa caawimo, kaalmo iyo la talin.
Jos sinulla on kiireellinen hätätilanne, soita aina hätänumeroon 112!
Haddii aad ka shikisan tahay, in aad tahay dhibbane laga ganacsanayo, waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawimaad iyo baadbaado. Waxaad heli kartaa tusaale ahaan deegaan ammaan ah iyo adeeg caafimaad. Waxaad sidoo kale heli kartaa la talin iyo caawimaad xuquuqdaada ah. Haddii aad sharci la’aan Finlan ku joogto, waxaad xaq u yeelan kartaa in aad hesho sharci. Ka ganacsiga dadku Finland waa dambi.
Dhibbanaha dadka laga ganacsadaa waxay noqon karaan dumar, carruur ama rag. Ka ganacsiga dadka kuwo qorsheeyaa waxay noqon karaan howlaha ururada dambiyaasha, laakiin fal geystuhu wuxuu noqon karaa qof aqoon ah, saaxiib ama qof ehelkaaga ah. Waa caadi, in dhibbanaha dadka laga ganacsada loo hanjabo, la cadaadiyo qofkana loo isticmaalo waxyeeleyn. Sidoo kale dhibbanaha dadka laga ganacsado qoyskiisa, dadka kale ee ehelka ah ama qaraabadiisa in loo hanajbo.
Ka ganacsiga dadku tusaale ahaan waa:
- Galmo ahaan ama dhaqaale ahaan in loo isticmaalo, tusaale ahaa in lagi qasbo inuu jidhkiisa ka ganacsado ama shaqo bilaa mishahar ah
- qasab in qof loogu guuriyo, guur qasab ah, kaaso o aanan ku saleyneyn labada qof ee is guursanaya rabitaankooda
- ka ganacsiga xubnaha dadka
- sharci la’aan ilmo aanad dhalin loo korsadey
- adoonsi- iyo shaqo qasab ah
Haddii xaalad degdeg ah oo halis ah ku hayso, wac mar kasta lumbarka gargaarka degdega ah 112!
Haddii maandooriyuhu (tusaale khamro ama xashiishad) isticmaashid, ciyaartid (tusaale mishiinada khamaarka ama internetka) ama wax kale oo aad la qabatintey (tusaale isticmaalka internetka) kuu keenayo adiga, ehelkaaga ama bulshadaada (tusaale shaqadaada) dhibaato, waxaad caawimaad iyo kaalmo ka heli kartaa. Haddii aad dooneysid in aad ka hortagtid maandooriyaha, ciyaarta ama wax kale oo dhibaato ah oo aad qabatintey, waxaad heleysaa caawimaad iyo kaalmo. Caawimaada-iyo adeegga kaalmadu waxay ku saleysan yihiin si iskaa wax u qabso ah oo aamin ah.
Kaalmeynta shabakada
Haddii aad caawimo uga baahan tahay isticmaalka khamrada in aad yareysid ama aad joojisid, waxaad sidoo kale daryeel ka heli kartaa internetka. Daryeelka shabakada- hagitaankiisa wuxuu ka dhacaa adiga shaqadaada iyo kaalmada ay u fidiyaan dadka xirfadda shaqo leh. Daryeelka shabakada- barnaamijkiisu wuxuu ku haboon yahay dadka qaan gaadhka ah, kaas laga shaqeynayo internetka. Barnaamijka waxaa laga helaa Finland oo dhan sidoo kalena waa suurtogal in dalka dibadiisana lagala shaqeeyo.
Haddii uu qofka ehelkaaga ahi ku dhinto meel cisbitaalka ka baxsan, tusaale ahaan gurigga oo kale, wargeli arrintaas sida ugu dhakhsaha badan booliska ama dhakhtarka. Boolisku wuxuu ka shaqeynayaa in la ogaado sababta dhimashada keentey. Boolisku wuxuu sidoo kale warbixinta u gudbinayaa xarunta dhexe ee diiwaanka bulshada. Markuu qofku ku dhinto cisbitaalka, cisbitaalka ayaa warbixinta u gudbinaya xarunta dhexe ee diiwaanka iyo waaxda howlgabkaba.
Qofka ehelka ahi markuu dhinto waxaa la xidhiidha arrimo badan, kuwaas oo u baahan in la xasuusto xallintooda. Liiskaas la xasuusto ah waxaa laga soo koobey tusaale shahaadada cadeynta dhimashada, qofka dhintey heshiiskii sii deyntiisa iyo sidoo kale qofka dhintey xaaskiisa/ninkeeda ama carruurta kaalmada noloshooda in la badbaadiyo arrimahaa la xadhiidha.
Telefoonka carruurta iyo dhallinyarada
Waxaad wici kartaa telefoonka carruurta iyo dhallinyarada, haddii aad dooneysid in aad kala hadashid qof weyn arrimaha qaarkood, haddii aad warwareysid ama aad cabsaneysid. Telefoonka carruurta iyo dhallinyarta waxaa ka jawaabaya dad waaweyn, kuwaas oo wakhti u heysta in ay ku dhageystaan. Adigu uma baahnid inaad magacaaga sheegtid, markaad soo wacdid telefoonkaaga lama duubayo. Telefoonku waa bilaash, wax lacag ah lagaama doonayo. Telifoonku kama muuqanayo biilkaaga telefoonka.
Haddii xaalad degdeg ah oo halis ah ku hayso, wac mar kasta lumbarka gargaarka degdega ah 112!