
La-talinta shaqo ee caalamiga ah waxaad ka heli kartaa taageero, tusaale ahaan, diyaarinta CV-gaaga iyo codsiga shaqo, sidoo kale talooyin ku saabsan waxbarasho iyo qorshaynta xirfadda. Waxa kale oo laguu sheegi karaa arrimo la xiriira raadinta shaqo, shaqo-barasho (oppisopimus), waxbarasho iskaa ah oo lagu helo taageerada shaqo la’aanta, hawlaha shaqo ee daweynta ku saleysan (kuntouttava työtoiminta), kaalmooyin mushahar la siiyo iyo qiimeynta awoodda shaqo. Fiiro gaar ah: La-talinta shaqo ee caalamiga ah kama caawiso bilaabidda raadinta shaqada ee rasmi ah (työnhaun aloitus).
Adeegga waxa lagu heli karaa luqadaha Finnish iyo Ingiriis, waxaana loo heli karaa turjubaan haddii loo baahdo.
Kusoo dhawoow!